|

Booliska Zampia oo gacanta ku dhigtay Muhaajireen Soomaali iyo Ethiopian isugu jira

Lusaka March 21 2013 (SDN)– Ciidamadda ammaanka ee wadanka Zambia ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 11-muhaajiriin Soomaali oo si sharci-daro ah ku soo galay dalkaasi.

Muhaajiriintaas ayaa lagu qabtay Tuuladda Nakonde, xilli ay doonayeen inay kaga sii gudbi lahaayeen Caasimadda dalkaasi ee Lusaka.Gaariga ay la socdeen Muhaajiriintaas ayaa waxaa jidka u galay askar ka tirsan waaxda socdaalka, kuwaasi oo hawlgal lagu qabanayay Muhaajiriinta sharci-daradda ku soo gala Dalkaas.Wakaalada wararka dalka Zambia ayaa ku warameysa in shaqsiyaadkaan Soomaalida ee gacanta lagu dhigay looga shakiyay falal amaandari kadib markii si sharcidaro ah ku galeen dalkaasi.

Taliyaha Booliska ee Degmada Nakonde, James Singoye, ayaa sheegay inay sii kordhayaan Muhaajiriinta Falalka dambiyada ka geysta Deegaankaasi oo ku dhaw Xuduudka.

Dhinaca kale, Booliska Dalka Zambia waxay gacanta ku dhigeen 11-muhaajiriin Ethiopian, 4-Pakistani iyo 8-Bangaladesh, kuwaasi oo si sharci daro ah ku soo galay Dalkaasi.

Ugu dambeyn wararka qaar ayaa tilmaamaya in dadkaani doonayeen inay dalkaasi kaga sii gudbaan dalka Koonfur Africa oo Soomaali badan ay ku nooshahay ka dib markii ay ka tageen dhibaatada wadankooda ku qabsatay.

SDN-Lusaka 

Comments are closed