Booliska UK oo Codsi loo Jeedinaya Reer Bristol
Dadweynaha ku nool Magaalada Bristol, gaar ahaan xaafada St.Puals iyo hareeraheeda waxaa laga codsanayaa cidii arkaysay ama wax ka og dhaawac culus oo loo geystay nin Somali ah oo da’diisu ay tahay 41 jir Subaxnimadii Axada ee ay taariikhdu ahayd 8 April, saacaduna ay ahayd 6.45 ee subaxnimo.
Fal dambiyeedkani waxa uu ka dhacay goolada Badminton Road ee wadada Ashley Road, St. Puals. Bristol, waxaa ninkan madaxa ka gaadhay nabar aad u culus oo Cisbitaalka loo dhigay, xaaladiisuna aad ayay u culus tahay in kasta oo ay deggan tahay.
Ninkan oo aan Shalay ku booqday Cisbitaalka uu ku jiro, waxaa uu ku jiray xaalad miyir doorsoon ah, meel walbana waxaa kaga xidhnaa qalab kala duwan iyo dhuumaha hawada, waxaana dhakhaatiirtu ay la tacaalayaan sidii ay naftiisa u badbaadin lahaayeen.
Ninkan Soomaaliga ah oo ay Kamaradaha CCTV ay qabteen (sawireen) subaxdii hore intii aan dhibaatadani ku dhacin, waxaad Kamarada CCTVga aad ka arki kartaan isaga oo la hadlaya nin kale.
Laamaha amaanka iyo saraakiisha Boliska ahee kiiskan baadhistiisa gacanta ku hayaa waxay danaynayaan inay la hadlaan oo ay waraystaan qof kasta oo arkay labadan nin oo wada hadlaya, ama qof kasta oo garta oo aqoonsada kuwa ay yhiin labadan nin ee wada hadlaya ee CCTVga ku jiraa.
Qof kasta oo arrintan wax ka og ama haya wax macluumaad ah oo ku saabsan dhibta loo geystay ninkan Soomaaliga ah waxaa laga codsanayaa inay la soo xidhiidhaan Ciidamada Dambi Baadhista (CID) ee magaalada Bristol.
Waxaad soo Garaacdaa Taleefanka Lambarkiisu yahay 101
Halkan ka eeg sawirrada
http://www.avonandsomerset.police.uk/LocalPages/NewsDetails.aspx?nsid=25472&t=1&lid=1
Waad Mahadsan tihiin
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Brsitol. UK