Booliska Soomaaliyeed oo beeniyay in Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ay kufsadeen haweyney barkacayaasha ka tirsan
Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekunaa Maya oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kaga warbixiyay howlgalo baaritaano ah oo ay wadeen saraakiisha ugu sareysa Booliiska kuna aadan fal kufsi ah oo la sheegay in askar ka tirsan ciidanka Booliiska ay ugeesteen haweenay kamid aheyd Barakacayaasha ku sugan fagaaraha tarabuunka.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in guddi ku howlanaa baaritaanada ku aadan falkaasi ciidanka lagu eedeeeyay uu usoo idlaaday isaga oo sheegay inay waayeen waxyaabaha cadeynaya kufsiga ciidanka lagu eedeeyay.
Shariif Sheekuna Maya ayaa xusay in hada wixii ka dambeeya kiiska arintani ay ugudbin doonaan xeer ilaalinta guud ee Qaranka.
Kiiska kufsiga ee ciidanka Booliiska lagu eedeeyay ayuu sheegay taliyaha inay wax ka weydiiyeen haweenaydii la sheegay in la kufsaday balse sida uu sheegay ay u soo baxday baaritaano kadib in arintaasi oo dhan ay aheyd mid laga soo shaqeeyey oo been abuur ah waxaana hadalka taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu kusoo aadayaa iyada oo madaxda ugu sareysa dalka horay ay u sheegeen in askarigii fal kufsi ah lagu qabtaa lagu xukumi doono dil toogasho ah.
SDN-Muqdisho