Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay dad waday kicin bulsho
Muqdisho May 25, 2024 (QJ)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin, ayaa ka hadlay tallaabooyin ay ciidamada Boolisku maalmihii la soo dhaafay ku soo qab-qabteen shaqsiyaad caan ka ah baraha bulshada, kuwaasoo lagu eedeeyay inay faafiyeen aflagaado iyo qal-qal-gelin dadweyne.
Taliye Sulub waxa uu ku nuux-nuux saday inaan loo dulqaadan doonin hab-dhaqanka noocaasi ah, isla markaana cid kasta oo lagu helo falal aflagaaddo ah la xidhi doono, lana horgeyn doono sharciga. Waxa uu carabka ku dhuftay in ciidanka booliska ay u xil saaran yihiin ilaalinta sharciga iyo ilaalinta sharafta bulshada.
“Waxaa soo kordhay dhalinyarada sida qaldan u isticmaala baraha bulshada si ay dadka kale u aflagaadeeyaan. Booliiska ayaa mas’uul ka ah ilaalinta sharafta shaqsiyaadka lagu sumcad dilayo baraha bulshada. Dalku sharci iyo kala dambayn buu leeyahay, wixii sharcigu ogolyahayna waa laga hadlayaa. Cid kasta oo ka soo gudubta xadka waxa looga baahan yahay inay keento caddaymaha hadalladooda,” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Sulub Axmed Firin.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada booliiska Somalia ay xabsiga dhigeen in ka badan 30-qof oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen qabaailo, shaqsiyaad iyo falal ay shacabka ku kicinayeen, iyagoo adeegsanaya baraha bulshada.
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada ciidamada booliska ay ku xireen dadka baraha bulshada ku aflagaadeynayay dadka kale iyo kuwa qalalaasaha ka abuurayay muddooyinkii dambe.