Booliiska Somaliland oo warbixin aan dhameystirneyn ka soo saaray danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan
Hargeysa November 04, 2022 (QJ) – Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa shaaciyay in sannadan ay Somaliland ka dhaceen 27,801 danbi oo iskugu jira dilal, kufsi, shilal, caruur la tuuray, ka ganacsiga maandooriyaha iyo kuwo kale.
Madaxa Howlgelinta Ciidanka Booliiska Sarreeye guuto Ibraahin Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa faahfaahinta denbiyada ku soo bandhigay munaasibad loo qabtay sannad guurada 29aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Somaliland.
Sareeye guuti Ibrahim ayaa waxa uu sheegay in 5,565 kamid ah danbiyada la diwaangaliyay ay beenabuur noqdeen oo caddaymo loo waayay.
Sareeyuhu wuxuu intaa raaciyay in 11,320 danbi xal laga gaaray, isla markana ay maxkamaduhu go’an ka gaadheen 10,916 danbi, halka ay baadhisi ku socoto 540 danbi.
Kufsiyada dalka ka dhacay sanadkan ee la diiwaan geliyay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen 266 kufsi, oo ay gaysteen 280 eedaysane, kuwaasi oo ay qaarkood kufsi wadareed ahaayeen, loona qabtay 240 eedaysane, isla markaana 40 ay baxsadyihiin.
Somaliland 15 qof ayaa sanadkan loo qabtay falal argagixisonimo, iyada oo 13 kamid ahi maxkamad la hor geeyay, oo 4 kamid ah la xukumay, 9-na ay xukun suge yihiin, halka 2-ada hadhayna ay baadhis ku socoto.
Boliska ayaa sheegay in jiraan falal kale oo ay ka mid ahaayeen qaar ka dhan ahaa diinta Islamka.
Boolisku ma shaacin faldenbiyeedyadii ay u geysteen bulshada Somaliland iyo dilalkii iyo tacadiyadii ay kula kaceen Mucaaridka.