Booliiska Somaliland oo Hub ku qabtay Boorama
Hargeysa Oct 30,2012(SDN)-Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta saxaafada uga waramay hawgalo mudo socday oo ay ku soo qabqabteeen hub kala duwan.
Taliye Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa sidoo kale soo ban dhigay hubkan ay ka soo qabteen Boorama.
“Waxay Ciidammada Booliska Somaliland xog ku soo heleen in Hub tiro badani yaallo guri ku yaal magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Xuuraan dheer oo muddo socday ka dib waxaa ay Ciidammada Boolisku ku guulaysteen inay Hubkaas oo halis badan dhalin lahaa haddii aan laga hortagin gacanta ku soo dhigaan.” ayuu yiri Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan.
“Aad baanan ugu mahad-celinayaa ciidammadii ka hawlgalay daba-galka iyo soo qabashada Hubkaas.” Sidaa ayuu yiri Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal.
Ciidamada Booliiska ee Somaliland ayaa tiraba dhawr jeer oo kala horeysay sidan oo kale hub uga soo qabqabatay magaalooyinka waaweyn ee Dalka.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com