|

Booliiska Koonfur Galbeed oo qabqabtay dagaalyahano Shabaab ka tirsan

Baydhabo May 09, 2024 (QJ) -Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay 12 xubnood oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen.

Shaqsiyaadkan ayaa si weyn loogu soo bandhigay magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow dhow, wax yar kadib markii ciidamada ammaanka Maamulka Gobolka ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen magaalada iyo duleedkeeda maalmihii la soo dhaafay.

Sidoo kale, Shaqsiyaadka lagu wareejiyay Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in ay ku howlanaayeen lacago baad ah oo ay ka qaadan jireen dadka deegaanka, isla markaana ay ku taageerayaan nabad diidka.

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa howlgalada muhiimka ah waxa ay ka socdaan guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigaan maleeshiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab, iyadoo horay ay u burburiyeen shabakado falal amni darro ah ka waday magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda, taasoo keentay in marar badan la soo qabto.

Comments are closed