|

Booliiska deegaan hoostaga Mombasa oo dilay saddex ruux 10-kalena xabsiga dhigay

Mombasa De 10 2012 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Mombasa deegaano hoostaga ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada Booliiska tuulo halkaasi ku taala ay ku dileen saddex ruux.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay Saldhiga Freretown ee deegaanka Kisauni xalay saqdii dhexe ee Magaalada Mombasa dalka Kenya.

Koox looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Booliiska deegaankaasi ayuu dhexmaray falkani iyadoo kooxaha looga shakiyay shabaab inay xiriir la leeyihiin laga dilay 3-halka 10-kale xabsiga loo taxaabay.

Raga saldhiga weerarka ku qaaday ee looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo MRC ayaa waxa ay wateen falaaro iyo sidoo kale baangado kuwaasi oo weerarka Saldhiga ku qaaday kadibna ciidanka ay dagaalameen.

Kooxdaan lagu magacaabo MRC ayaa waxa ay yihiin koox kasoo horjeeda Dowladda dalka Kenya kuwaasi oo sida la sheegay aaminsan in Gobalka xeebta ee Mombasa uusan ka tirsaneyn dalka Kenya.

Magaalooyinka dalka Kenya ayaa muddooyinkaan dambe waxaa soo foodsaaray falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay geesanayaan dad aan la garaneyn oo goobta ay falka ka fuliyeen durba ka baxsada.

SDN-Mombasa

Comments are closed