Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Artidiisa Odayaash Reer Muqdisho Ee Hargaysa Ku Sugan
08,May,2014(SDN/QJ)- Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Md.Boobe Yuusuf Ducaale,ayaa Ka hadlay Aragtidiisa ku aadan Odayaasha reer Muqdisho,ee la sheegayo inay ku sugan yihiin Magaaladda Hargaysa ee ay Xukuumadda Somalialand ay ka Qarisay Saxaafadda inay uga war bixiyaan Ujeeda Socdaalkooda.waxaana uu sheegay in hadii ay Xukuumadda Somaliland ay Fidisay Marti-qaadka Odayaasha aanay ahayn wax Reer Somaliland ay isku ogaayeen oo ay meel ka dhac iyo Xad-gud ku tahay Qaranimadda Iyo Jiritaanka Jamuuriyadda Somaliland,isaga oo u soo jeediyay inay Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo inay ka waantowdo in aan wax aan laga wadatashan ay ku dhaqaaqdo. “Somalidu waxay tidhaadaa waxii la qariyo Qudhun baa ku jira.wafdiga intaa leegi hadii markii uu Garoonka ka soo dageyay uu sheegi waayay waxay u socdeen iyo Cidda u yeedhay markaa shacabka Xaq bay u leeyihiin inay wax Ogaadaan”.ayuu Boobe
Waxaana uu intaas raaciyay “waxaanu Ogaysiinaynaa cid kasta oo u yeedhayba,Horta Wakhti ka fiican oo aan Wakhtigan Ahayniba jiro.waa wakhti aanu u diyaar garoobayno 18 May.waxaa Hubaal ah inay ku Indho-Dilaacsan Doonaan Dabaal Degga iyo fantasiyaha ay ku jiraan shacabka reer Somaliland”.
Si kasta ha ahaatee Shacab reer Somalinad ay si aad ah isu Weydiinaya Dhacdadan Ugubka ah ee Markii ugu Horaysay tan markii ay Somaliland la soo noqotay Madax-banaanideeda ay Odoyaal ka Socda Koonfurta Somalia ay Yimaadaan Somaliland.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com