Boobe Yusuf Ducaale oo ka Muquurtay ka mid noqoshada Gollaha Wada-Tashiga Somaliland,Maxey tahay Sababtu?
Hargeysa July 11,2013(SDN)-Wasiirkii hore ee wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa ka mid ah siyaasiyiinta faro ku tiriska ah ee aan ka mid noqon gollaha ay ku midoobeen mucaaridka xukuumada Somaliland.
Boobe Yuusuf oo intii ka danbeysay xilka qaadistiisii mudo kooban oo uu hayay xilkaasi ka dib ayaa waxa uu si isdaba jooga Internetka ugu qori jiray warbixino uu ku dhaliilayo Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Boobe ayaa ka gaabsaday ka mid noqoshada Gollaha Madaxa Banaan ee Toosinta Somaliland ka din mashruuc ay siisay dawlada Axmed Siilaanyo.
Boobe oo ay weheliyaan qaar ka mida Suugaan yahanka Somaliland ayaa wada dhismaha xarun lagu ururinayo Suugaanta Soomaalida.
Dhismaha xaruntan ayaa waxa mashruuciisa gacanta ku haya Academiyada Nabada oo uu mar madax ka ahaaBoobe Yusuf Ducaale.
Boobe ayaa hadii uu ka mid noqdo Gollaha Toosinta ay xaqiiqo tahay in Xukuumadu mashruuca Akhiro u direyso.
Si kastaba ha ahaatee shicibkii sida weyn ula socday qoraalada Boobe Yusuf ducaale ayaa fejac ka qaaday in aanu Gollaahaasi ku biirin.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com