Boob iyo Bililiqaysi Xooggan Oo Lagu Hayo Hubka Iyo Gaadiidka Dawladda ee Ku Sugan Boosaaso
Boosaaso:11-Jan-2014 (SDN)-Wararka Laga Helayo Meelo Kala Duwan oo ku yaalla Deegaanka Puntland ayaa sheegaya inuu jiro Boob xooggan oo lagu hayo Hub iyo Gaadiid uu lahaa Maamulkii meesha ka baxay ee Madaxweyne Faroole.
Magaalooyinka boobka uu ka billowday waxaa ka mid ah magaalada ganacsiga ee Boosaaso, halkaasoo la sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeeyey la waayey Gaadiid iyo Hub tiro badan oo markii hore halkaas lagu ogaa.
Waxaa la sheegay in hubka laga dhacay magaalada Boosaaso in ay qaateen saraakiil sar sare oo gacan saar la leh Faroole, waxaana ay keentay in iska hor imaad uu dhex maro ciidamado joogay goobta iyo kuwa dhacayay hubka sidda ay lee yihiin wariyaal madax banaan oo Boosaaso ku sugan.
Dhacdadan ayaa si weyn looga dareemay magaalada Boosaaso, waxaana Xalay magaalada qaybo ka mid ah lagu soo rogay bandow gaar ahaan xarumaha maamulka, waxaana magaalada lagu arkayey ciidamo fara badan oo heegan ugu jira ilaalinta Hantida la sheegay in la guranyo.
Goobta hubka iyo gaadidka laga qaatay ayaa la sheegay in ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana ay isku gadaameen goobta.
Boobkan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay oo Jimce ah uu madaxweynaha Cusubi soo saaray Baaq ku Wajahan ilaalinta Hantida Qaranka, isagoo tilmaamay in cid kasta oo shaqo dawladeed haysay lagula xisaabtami doono wixii lagu ogaa.
S.D.N