|

Booliska wadanka Ingriiska oo Maanta jaaliyada Somaliyeed iyo jaaliyadaha kale ee cuna Qaadka u qaybiyey Digniin iyo Arimaha Xogta Qaadka ee wadankan England iyo Wales

London 17Jun14(SDN) Ciidamada Boliska wadanka Uk ayaa waxay bilaabeen inay qaybiyaan digniino culus oo ku socta Jaliyadaha Cuna Qadka ama ka ganacsada iyaga oo aan kula kulanay xafad ka mida xafadaha wadankan ee ku badan tahay Somaliada ee la yiraa Church Road taas oo ay u qaybiyeen shuradaha iyo waxyaalaha ama fal danbiyeedka ka imanaya waxana qurbejoog u surto gashay inay la kulanto sarkaal ka tirsan cidanka oo goobta ku sugnaa waxana uu noo shegay in ay sharci tahay laga bilaabo 24/6/14 lana dhaqan galin dona  isaga oo shegay in hadii la cuno iyo hadii laga ganacsado waxyalaha aad kala kulmi dontid waxaan idiin soo gudbin donaa  qodabadii uu bolisku qaybinayey halkan ka aqriso

 

Halkan ka aqriso qodabadii oo luqada afka soomaliga iyo Carabiga iyo Amhariga.

Xukuumaddu waxay go’aansatay inay ka dhigto qaadka

mid sharci-darro ah ee daroogada heerka Kalaaska C.
Mamnuucidda qaadka wuxuu dhaqangalayaa maalinta 24ka
Juun.
Sababtee ayaa qaadka loo mamnuucay?
Qaadka waxaa ku jira nooc sheeyo horeba u ahaa daroogooyin
laga ilaaliyo labadaba UK iyo caalamkaba sababtoo ah
waxyeello ayay gaystaan. Si looga caawiyo bulshada degaanka
arrimaha dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho ee uu wato
qaadku iyo si loo xaqiijiyo in waddanka UK uusan u noqon
meel dhexe ee la kala qaato caalam ahaan qaadka. Waxay
noqon doontaa sharci-darro in la soo saaro, la haysto la keeno
iyo la soo dejiyo ama la dhoofiyo qaadka iyadoo aan warqad
oggolaansho laga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Maxaa dhacaya haddii aad isticmaasho qaad
laga bilaabo 24ka Juun ee gudaha England
iyo Wales?
Laga bilaabo 24ka Juun 2014, booliisku waxay isticmaali karaan digniino qaad iyo ganaaxyo ogaysiin ee
amar-diido (penalty notices for disorder (PND)) ee £60 dadka waawayn. Tani macnaheedu waa in haddii
booliisku kugu helo qaad loogu talogalay isticmaalkaaga, waxaa:
• lagu siin karaa digniin fal-dambiyeed haysashada ugu horaysa
• lagu siin karaa ganaax ogaysiin amar-diido (ganxaax ah £60) ee fal-dambiyeed haysashada labaad
• la kulmi kartaa xarig ee fal-dambiyeed haysashada saddexaad.
Ma qusayn doonaa joojinta qaadka labadaba goobaha dadwaynaha iyo
kuwa gaar ahaaneedba?
Haa. Qaadka wuxuu noqon doonaa daroogo sharci-darro ah ee nooca Kalaaska C iyadoo tani waxay
qusaysaa guud ahaan UK.
Arrimaha xogta Qaadka
Ee England iyo Wales

SomaliMaxaa ku dhacaya kuwa ka yar 17 sano jir ee lagu qabto qaadka?
Dadka dhallinyarada ah ee da’doodu tahay 17 sano jir, ama ka yar, lama siin karo Digniinta Qaadka ama
PND ee haysashada qaadka. Qaybta 65 ee Xeerka Dambiyada iyo Amar-diidada 1998 (Crime and Disorder
Act 1998) wuxuu u baahan yahay in dadkaas dhallinyarada ah loo tixgeliyo wargelin dhallinyaro, wargelin
dhallinyaro shardiyaysan ama ciqaab maxkamadeed.
Maxaa dhacaya haddii aad ka ganacsato qaadka markii uu noqdo daroogo
sharci-darro ah ee nooca Kalaas C?
Haddii lagugu qabto, booliisku tallaabo ayuu qaadayaa waxaana jiraya khatar ah ciqaab maxkamadayn.
Daroogo nooca Kalaas C ahaan waa sharci-darro in la keeno, la haysto iyadoo la ogayahay keenidda iyo
soo dejinta qaadka. Ciqaabaha fal-dambiyeedyada daroogada Kalaas C waxay gaaraysaa 14 sano xabsi
ah, ganaax aan xad lahayn ama labadaba.
U keenidda qaad saaxiibadaa, xitaa haddii aad iska siiso, waxaa loo tixgelinayaa ‘keenitaan’ sharci ahaan.
Xaggee ayaan ka heli karaa talo-bixin iyo caawinaad ku saabsan iska
dhaafidda qaadka?
Wixii talo-bixin iyo macluumaad ku saabsan adeegyada caawinta degaanka iyo daawaynta isticmaalka
qaadka, dhakhtarkaaga (GP) ama dawladda hoose ee degaanka waa goob fiican in laga bilaabo.
Talo-bixin xog-xajisan iyo macluumaad ku saabsan adeegyada caawinta degaanka iyo daawaynta fadlan
booqo http://www.talktofrank.com/need-support ama http://www.nta.nhs.uk/who-service.aspx

https://www.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/file/313448/Khat_leaflet_A4_v11.pdf
https://www.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/file/313500/Khat_leaflet_A4_v7-amh.pdf
https://www.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/file/313502/Khat_leaflet_A4_v7-som.pdf

Comments are closed