|

Boko Xaraam oo hablo kale ka kexeystay Dugsi ay wax ku baranayeen iyo reer Galbeedka oo baraarugay

Abuja May 07,2014(SDN/QJ)-Kooxda xag jirka ah ee ka dagaalanta dalka Nigeria ee Boko xaraam oo dhawaan boqolaal hablood oo ku jiray dugsi loo hoydo oo dalka Nigeria kuyaal ayaa mar labaad kaxeystay dhawr iyo tobaneeyo hablood.

Hogaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abuubakar oo soo saaray muqaal uu uga hadlayo waxa ay ka yeelayaan gabdhaha wax baranayay ee ay afduubeen ayaa sheegay in ay damacsan yihiin in ay iibiyaan gabdhaha.

Dawlada Nigeria ayaa ku fashilantay wax ka qabadka kooxahan ay dagaalka kula jirtay dhawrkii sanandood ee u danbeeyay.

Dawladaha reer Galbeedka ayaa maalmihii u danbeeyay ku soo baraarugay dhaqdhaqaaaqa Boko Haraam.

Waxaaney haatan ay bilaabrrn ka hadalka in ay gacan siinayaan haatan wixii ka danbeeyay dawlada Nigeria,khaasatan dhanka ciidanka.

Si kasyaba ha ahaatee Boko Xaraam ayaa noqotay hadal heynta uGu badan ee caalamka dhawrkii maalmood ee u danbeeyay.

SDN/QJ-Abuja

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed