Boko Xaraam oo dad ku laayay Woqooyiga Nigeria
Lagos Feb 2013(SDN)-Lix ruux ayaa ku qudhbaxay weerar ka dhacay degmada Najaala oo ku taala waqooyiga bari ee dalka Nayjeeriya.
Weerarkan ayaa la sheegay inay ku kaceen dad hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, ka dib markii ay tacshiirad ku fureen qaar ka mid ah dadka deegaankaas.
Afhayeen u hadlay ciidanka dalka Nayjeeriya ee gobolka Yoobi oo degmadaasi ka tirsan tahay ayaa ku eedeeyey weerarkaas inay ka dembeeyeen kooxda ‘’Booko xaram’’ ee ka dagaalanta dalka Nayjeeriya, afhayeenkan oo lagu magacaabo ‘’Laasaaruus’’ ayaa intaa ku daray inay deegaankaas ka wadaan falal ay ku baadi goobayaan dadkii dilka lixdaad ruux geystay.
Geesta kalena dad goob joog ahaa ayaa sheegay inay weerarkan loo geystay dadka Ra’yidka ah degmada Najaala ee dalka Nayjeeriya ay ka dambeeyaan koox Qawlaysato ah, kuwaas oo rasaas ku furay guryaha dadweynaha ka dibna Boob u geystay hantidoodii.
SDN-Lagos
contact@somalidiasporanews.com