Biladii Nobel ee Obama oo xiisad ka dhex abuurtay Norway iyo Mareykanka
Washington May 16,2014(SDN/QJ)-Waxa soo shaac baxdday xisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay abaal marintii Nobel ee la siiyay madaxweyne Barack Obama sanadii 2009kii.
Dawladaha Mareykanka iyo Norway ayaa la sheegay in ay isku maandhaafeen abaalmarintaa degdega aheyd ee Obama Norway siisay.
Safiirkii Qaramada Midoobey u fadhiyay dalka Norway Morten Wetland ayaa jariirada Oslo ka soo baxda ee Daily Business waxa uu uu ku daabacay maqaal uu uga waramayo xiisadaas ka dhalatay abaal marinta Nobelka ee la siiyay Obama 2009kii.
Wetland waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in maalintii lagu dhawaaqay abaal marinta Obama ay u aheyd maalintii ugu xumeed ee soo marta intii uu ka hawlgalayay QM.
Wetland ayaa sheegay in Rahm Emanuel uu caro kula duldhacay shaqaalaha iyo safiirka Norway ee Mareykanka kolkii ay soo baxday in Obama ku guuleystay Nobel Peace Prize.
Aqalka cad ayaa u arkayay fadeexad in Madaxweyne Obama oo 12 casho ah madaxweyne loo magacaabo abaal marinta dunida ugu sumcada badan.
“Kolka aan si daacad ah idiinku waramo,ma dareensani in aan abaal marintan muteystay,sida dadkii iga horeeyay eek u guuleystay oo kale”sidaa waxa laga hayaa madaxweyne Obama kolkii uu ogaaday in abaal marinta uu ku guuleystay.
Aqalka cadi waxa uu dareensanaa in caalamka iyo mucaaradkuba ay u arkayaan guushiisa mid ay faro maroorsadeen.
Abaal marinta Nobelka ayaa waxa bixiya lix xubnood oo baarlamaanka Norwey iska dhex doortaan oo qiimeeya guulaha ugu muhiimsan ee ay shikhsiyaadka iyo hay’aduhuba dunida ku soo kordhiyaan.
SDN/QJ-Washington
contact@qurbejoog.com