Berbera: Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Madaarka ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka oo socdaal dibadeed ka soo laabtay
Berbera October 29, 2012 (SDN)- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylci) iyo Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta ka soo laabtay socdaal ay ku tageen dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Seylici iyo Maayor Jiciir oo ka soo degay Madarka Berbera, waxa halkaas kaga hortegay xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin; Madaxtooyada, Warfaafinta, Beeraha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada, Badhasaabka Saaxil iyo Maayarka Berbera. “Waxaan socdaal fasax ah oo gaaban ku tegay dalka Imaaraadka Carabta. Waxaan tegay waqti fasax ah oo waajibaadkii Xajka loo diyaargaroobay iyo ciidul-Adxa, balse waxaanu aniga iyo maayarka Hargeysa oo ila socday kulamo la yeelanay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo hore inoogu dhistay 10 Ceel oo laga dhisay Xunbo-weyne oo qayb ka ahayd biyo-balaadhinta Hargeysa. Waxaanu ka wadahadalay sidii biyahaasi ay inoogala sii shaqayn lahaayeen,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Seylici oo warbaahinta gobolkaas kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Berbera.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay in muddo todobaad ah oo ay ku sugnaayeen Imaaraadka ay kulamo la yeeshay hay’adda Khaliifa Foundation oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo kulamo la yeeshay mar uu socdaal ku tegay dalkaas. “Waxaananu ka wadahadalay sidii loo sii xoojin lahaa wadahadaladii ay hore ula yeesheen weftigii Madaxweynaha,” raaciyay hadalkiisa.
Ugu dambayn, Madaxweyne kuxigeenku waxa uu u mahadceliyay masuuliyiinta kaga hortegay Madaarka Berbera.
Qurbejoog.com, Berbra
editor@somalidiasporanews.com