|

Berbera: Maxkamad sii daysay koox Budhcad-badeednimo loo haystay oo dacwadoodu socotay, maxay tahay sababtu?

Berbera 9, August 2012 (SDN)- Maxkamadda gobolka Saaxil, ayaa markii u horaysay sii daysay koox Budhcad-badeednimo loo haystay oo dacwadoodu muddooyinkii u dambeeyay ka socotay Berbera.

Kooxdan oo tiradooda 10 nin lagu sheegay, waxa dhawr bilood ka hor ay ciidanka Xeebaha Somaliland iyaga iyo Laash ay wateen ku qabteen xeebta Ceel-daraad ee bariga Berbera, waxayna isugu jireen kuwo ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan bariga Sanaag iyo kuwo u dhashay Soomaaliya.

Sida uu shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com u sheegay masuul sare oo ka tirsan waaxda Garsoorka dalka, balse ka gaabsaday in magaciisa la xuso, waxay Maxkamaddu kooxdan sii daysay Khamiistii maanta.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Laashka nimankaas lagu qabtay ay ku taalay shaambad ay ku dhufteen ciidamada ajaanibka ah hawlgalka la-dagaalanka Budhcad-badeeda ka wada xeebaha Soomaaliya.

Hase yeeshee, sida la sheegay Maxkamaddu waxay go’aankeeda ku sababsay in aan Maxkamadda la horkeeni marag caddeeya falka lagu eedeeyay nimankaas.

“Xukunka wax racfaan ah Xeer-ilaalintu kamay qaadanin, waana la sii daayay isla maantaba,” ayuu yidhi masuulkaas u waramay Somalidiasporanews.com. “Waa markii u horeysay ee koox sidan oo kale Budhcad-badeednimo loo haystay la sii daayo,” ayuu raaciyay.

Waxa jira warar sheegaya, inay jireen dedaalo lagu waajadahay Maxkamadda, Xeer-ilaalinta iyo xataa ciidanka ilaalada Xeebaha, kuwaasoo salka ku haya in la jebiyo eedaymaha lala xidhiidhiyay nimankaas.

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in maamulka gobolka Saaxil ay ka biyo-diideen go’aankaas ay Maxkamaddu gaadhay, isla maantana la fuliyay.

Xabsiyada Hargeysa, Berbera iyo Mandheera waxa ku jira inka badan 30 nin oo falal Budhcad-badeednimo loo xukumay, ka dib markii ay ku soo xadgudbeen badda Somaliland, iyadoo kuwo kalena muddooyinkii u dambeeyay la sii daayay markii sida la sheegay ay xukunadooda dhamaysteen.

SDN, Berbera

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed