Berbera Laba Kaclaynta Khilaafaad ay dawladu sababtay+ Shirar Duceedyo Suuqa Siyaasada Xaami ka Dhigay DAAWO
Berbera 04.March 2015 (SDN/QJ):- Khilaafyo kala duwan oo maamul iyo damac ayaa toddobaadkii u dambeeyey ka oogan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, khilaafyadaas oo dibedda u soo baxay markii uu Madaxweyne Siilaanyo booqasho ku tegay Berbera toddobaadkii hore, waxaanay khilaafyadaasi dhaliyeen shirar-doceedyo iyo kulammo gaar-gaar ah oo ka socda Berbera, sida uu ku soo warramayo Weriye Axmed Siciid.
Warbixin uu Weriye Axmed Siciid Maxamed oo Berbera ku sugani ka soo diyaariyey khilaafyadaas iyo wareegyadii u dambeeyey ee kulammada iyo shirarka iyo weliba ashkato iyo isu-gardhigasho, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-