Beesha Qardho oo bayaan ka soo saaray Rasaastii shalay ciidamada Puntland ku rideen Shacabka
Qardho Nov 25,2012(SDN)-Beesha degaanka Qardho ee Puntland ayaa soo saaray qoraal ay ku muujinayaan dareenkooda ku wejahan dhacdo shalay ciidamada Madaxtooyada Puntland ay ku rasaaseeyeen dad shacaba oo isu soo bax dhigayay,qoraalakan oo nuqul ka mid ihi uu na soo gaaray ayaa u qoraa sidatan;
Bismillahi Raxmaani Raxiim
Warsaxaafadeed:
Guddiga Beesha Cismaan Maxamuud
Taariikh: 24 November 20120
Qardho, Puntland Soomaaliya
Ugu horeyn Guddiga Beesha Cismaan Maxamuud ee gobolada Puntland waxay marka ugu horeysa si weyn uga xun yihiin dhaawaca soo gaaray dadkii rayidka ahaa ee aan hubeysneyn ee ka qeyb qaatay banaanbaxii shalay dhacay oo taariikhdu ahayd 23/November/2012 ama 9ka bisha Muxaram.
Marka ugu horeysa waxaan illaahay uga baryeynaa inuu caafimaad taam ah siiyo dadka wax ku noqdeen oo ayna si dhakhso-leh uga soo kabsadaan dhaawacyada soogaaray.
Waxaan ka xunahay in booliska iyo ciidamada Madaxtooyada Puntland ay rasaas nool u adeegsadaan shacab si nabad ah fikirkooda ugu soo bandhigayey banaanbax nabadeysan sida uu qabo dastuurka iyo sharciga Puntland u yaal.
Waxaana nasiib darro ah rasaastaasi sida sharciga iyo qaynuunka ka baxsan loo adeegsaday oo halis ku ahayd dadkii banaanbaxayey iyo dhamaan noolaha ku dhaqan magaalada Qardho.
Wuxuuna falkaasi ay ku kaceen ciidamada sababay in banaanbaxyadaasi isu bedalaan rabshado sameeyeen xasiloonida magaalada. Waxaana haboon in falalka noocaan ah laga hortago si aysan dib ugu soo noq noqon.
Waxaana si weyn uga xunahay jawaabtii ay mas’uuliyiinta Dowlada u hadashay ka bixiyeen falalkaasi lagu dhaawacay dadka rayidka ah, hadalada warbaahinta laga siidaayey waa kuwo wax u dhimaya haykalka dowladeed isla markaana dareen xun ku reebaya shacabkii dhibaatadu gaartay.
Markale waxaan ugu baaqeynaa dowlada inay jawaab waafi ah kasoo saarto dhacdadii iyo falkii ay ku kaceen ciidamada ku sugan magaalada Qardho, isla markaana joojiso wixii khal-khal ku keeni kara amniga dalka.
Shacabku hadii ay si nabad ah fikirkooda ku dhiibanayaan ayagoo aan hubeysneyn maaha in loo adeegsado xabbad nool taasi oo ah mid ka mamnuuc ah sharuucda dalka iyo kuwa caalamkaba.
Waxaan ugu baaqeynaa dowlada inaysan awood iyo caburin u adeegsan shacabka, isla markaana ay noqoto mid aan iyadu ku tuman sharciga iyo amniga ka jira waddanka.
Amniga iyo xasiloonida Puntland waxay u taal dhamaan shacabweynaha Puntland iyo dowlada, waana in laga wada shaqeeyaa sidii amniga waddanka ka jira loo wada illaalin lahaa, shacab iyo dowladba.
Guddiga wuxuu sidoo kale soo dhaweeynayaa Baaqa horudhaca ah ee guud ahaan dhamaan Nabadoonada Beesha ay si wadajir ah Shalay (23 November 2012) ugu gudbiyeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Sida ku xusan baaqaas waxaa ku cad in beesha Cismaan Maxamuud uu shir xiligan u socdo ayna kaga arrin sanayaan arrimaha xaaladaha Puntland ka jira, shirkaasi markuu dhamaadana laga soo saari doono Bayaan rasmi ah oo ku aadan mawqifkooda. Isla markaana ay Dowlada ka war sugto go’aanka kasoo bixi doona shirkaas.
Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada inay joojiso faro gelinta ama culeyska ay soo saareyso shirarka beesha uga socda magaalada Qardho, waxaanu ka digeynaa in mas’uuliyiinta ku abtirsada Beesha ee dowlada xubnaha ka ah ay xilalka ay hayaan u adeegsan inay caqabad ku noqdaan shirka guud ee u socda beesha, waxaan ka codsaneynaa baaqaasi horudhaca oo ay ku saxiixan yihiin dhamaan Nabadoonada beesha in la tixgeliyo.
Markale wuxuu guddiga uu aad uga xun yahay falalkii naxdinta lahaa ee ka dhacay magaalada Qardho, dadka dhibaatada iyo dhaawaca kasoo gaartayna illaahay waxaanu uga baryeynaa in uu caafimaad siiyo. Amiin
Cabdicasiis Boqor Muuse
Guddoomiyaha Guddiga
Qardho, Somaliya, Puntland