|

Beesha Muuse Biixi oo laba daran mid dooro ugu baaqay, iyo jaawaabtiisii

Hargeysa January 29, 2023 (QJ) – Madxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa dhawaan kulan gaar ah la qaatay beesha uu ka soo jeedo oo looga wadahadalay xaalada dalka.

Beesha Muuse ayaa walaac weyn ka muujiyay xaalada dalka iyo waxa ay beeshiisa uga dhigan tahay xaalada dalku galay iyo sida iyaga iyo dalkaba loo badbaadin karo.

Beesha Muuse oo intoodii badneyd ay xaalada dalka hore ugu kala tageen ayaa soo jeedisay in sida qura ee hanti, magac iyo mustaqbalba inta u hartay loo badbaadin karo uun tahay in Muuse ku dhawaaqo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxa ay Muuse u jeediyeen in uu u hoydo abtiyaashii oo uu godob siyasadeed ku hogaamiyay isla markaana iyagu ka roonaadeen.

Hadii taa dhicin, waxa kulanka Muuse looga cadeeyay in fartu beeshiisa ku godan tahay isla markaana ay yihiin haatan bartilamaameedka mucaaridada dalka ka jirta oo uu isagu cadaawad faro badan u abuuray.

Taa waxa ay u raaciyeen in Muuse aanu ka fursan doonin in uu isaga iyo ubadkiisaba dalka isaga baxo, iyaga iyo reer Somaliland na ay kala calaf qaadaan.

Kacdoonka Bariga ayay u iftiimiyeen in Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Gaal aaney uga run waramin wacdiga beelahooda oo Boqor Buurmadoow uga awood roonaaday, ayna dhici karto in beelaha bariga ee ka carooday hanaankiisa hogaamineed ay soo gelbiyaan Darwiishta gadoodsan.

Muuse oo talaada la xumaatay ayaa sheegay in aanu dalka ka baxeyn, isaga iyo abtiyaashiina la isu daayo, isla markaana ku muusanaabay in Doorashadu guuldaro hubaal ah dhaxalsiin doonto.

Muuse Biixi ayaa ku cataabay in Guddida doorashada isku xun yihiin iyo in taageerada Waddani ee haatan ay dhaaftay heer looga shuban karo.

Balse tolkii ayaa u sheegay in xaal kale jirin. Muuse ayaa intaa dabadeed dalbaday in la siiyo dhawr casho oo uu uga soo fikiro talaabada uu qaadan doono.

Comments are closed