|

Beesha Dir oo Edmonton isugu timi ka hadalka xaaladaha Shabeelaha Hoose

Edmonton June 15,2014(SDN/QJ)-Jaaliyada Beesha Dir ee magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda ayaa kulan looga hadlayo  xaaladaha colaadeed ee Gobolka Shabeekada Hoose.

Jaaliyada beesha oo isga kala yimi degaanada shanta Soomaaliyeed ee geyiga Soomaaliyeed ee geeska Africa ayaa kulankooda ku qabsaday xarunta Bulshada reer Somaliland ee magaalada Edmonton.

Waxa dadkii isugu yimi kulanka ay warbixino ka dhegeysteen dadka degaanka Shabeelada hoose ee sida dhaw uga war haya xaaladaha degaanada colaaduhu ka jiraan ee Beesha.

Kulanka ayaa waxa sidoo kale la iskula qaatay in cid waliba gacan ka geysato sidii dhibta looga dul qaadi lahaa colaadaha la soo waariday.

Waxa halkaa baaqyo digniin iyo dhaliilo looga soo jeediyay Beesha Hawiye ee Colaadan dhankeeda loo yirinayo iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya oo gacanta ku siineysa.

Kulanka waxaa la iskula qaatay in gacan loo fidiyo beesha degaanka Shabeelada Hoose ee haatan colaadu dul taalo.

Taagerada waxa la raaciyay in beesha Dir ay kulamo taxane ah oo isbarasho iyo waxqabadba leh ay isugu yimaadaan haatan wixii ka danbeeya.

Goordhaw filo sawirada kulanka

SDN/QJ-Edmonton

contact@qurbejoog.com

Comments are closed