Beesha Caalamka oo si jilicsan uga hadashay xaalada Laascaanood
Muqdisho Jan 01, 2023 (QJ) -War murtiyeed dhawr sadar ahaa oo ay manta soo saareen koox isugu yeertay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka loo yaaqaano ayaa walaac looga muujiyay xaalada magaalada Laascaano ee maalmihii u danbeeyay dhimashda iyo dhaawaca badan ee rayidka loogeysanayay ay ka jireen.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegtay in xasilooni iyo isxakameyn lagu wejeho xalinta xiisada magaalada ka taagan.
Sidoo kale waxa isna manta markii u horeysay xiisada Laascaanood ka hadlay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi oo isna sida beesha caalamka ku gaabsadaya in meelwalba oo xasaradi ka jirto lagu xaliyo wadahadal.
Guddoomiyaha ayaa Somaliland waxa uu u soo jeediyay in ay khalad tahay in shacabka mudaharaadaya xabad lala dhoco halka uu dadka reer laascaanona xusuusiyay in ay mudo dheer nabad ahaayeen isla markaana ay haatan joojiyaan mudaharaadaya wax lagu burburinayo wadahadalna xaalda lagu dhameeyo.
Dadka mudaharaadaya ee ka gadoodsan joogida ciidamada Somaliland ee aan waxba ka qaban dilalka soo noqnoqday ee lagula kacayo birmageydada iyo Soomaalida ka xun ficilada ciidamda Somaliland ayaa hadalka Guddoomiyaha iyo ka Saaxibada Soomaaliya ka soo yeeray u arka mid dhan u xaglinaya isla markaana aan soo dedejineyn xal waara oo laga gaaro xaalada Gobolka Sool.
Xaalada Magaalada Laascaano ayaa mar kale waxa habeenkii lixaaad laga maqlayay dhawaqa rasaasta xili la sheegay in dibedbaxayaashu markale is wejeheen ciidamada Somaliland oo lagu soo biiriyay kuwa ilaalada madaxtooyada iyo RRUda. Ciidamada yaa bakhtiiyay leydhkii magaalada iyo adeegii internetka, waxaana adag in xog rasmi ah la helo.