Beesha Caalamka oo Muuse Biixi fartay in la qabto doorashadii madaxtooyada
Hargeysa. 8 November, 2022. (QJ)- Beesha Caalamka ayaa u sheegtay madaxweynaha Somaliland in loo baahan yahay in la qabto doorashadii madaxtooyada Somaliland, isla markaana xal laga gaadhoo arimaha jira.
Beesha Caalamku waxay waydiisay Muuse Biixi mawqifkiisa maadaam wakhtigisu dhammaanayo iyadoo ay soo jeediyeen in xal degdeg la gaadho si doorasho ay uga dhacdo Somaliland.
War kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yidhi:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 08/11/2022 waxa uu habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kulayeeshay Safiiro iyo ku xigeeno ay wehelinayaan diblamaasiyiin oo kala ah, EU – Ambassador Tiina Intelmann, Belgium – Ambassador Peter Maddens, Denmark – Ambassador Steen Sonne Andersen, Finland – Ambassador Pirkka Tapiola, France – Ambassador Arnaud Suquet, Ireland – Ambassador Fionnuala Quinlan, Italy – Ambassador Alberto Vecchi, Norway – Ambassador Gunnar Holm and chargé d’affaires Haakon Svane, Sweden – Ambassador Per Lindgärde, Germany – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador, Netherlands – Deputy Ambassador Laurie Visser, US – Anthony Diaz, Deputy Chief of Mission (Acting), UK – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa iyo Canada – Robert Bunbury, First Secretary. Waxaana kulankaasi lagu lafo-guray, hawlaha gargaarka binu-aadannimo, dar-dargelinta iyo xoojinta mashaariicda ay hore uga wadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka.”
Madaxtooyada ayaa arinta doorashooyinka xaga danbe marisay balse ujeedada kulanka ayaa ahaa khilaafka jira iyo arinta doorashooyinka.
Waxa la filayaa in xubnahani ay sidoo kale kulna la qaataan mucaaradka Somaliland.