|

Beesha Caalamka oo kusoo wajahan Somaliland iyo waxa ay sidaan

Hargeysa. 2 November, 2022. (QJ)- Wefti ballaadhan oo ka socda Beesha Caalamka ayaa kusoo wajahan Somaliland iyagoo imanaya todobaadka danbe, waxayna kulamo la qaadan doonaan dhammaan dhinacyada siyaasadda oo ay ugu muhiimsan tahay xukuuamdda oo ay kala hadlayaan qorshaha ay mugdiga ku galisay dalka.

Beesha Caalamka waxa la sheegay ins afarkooda ay kusoo beegayaan xili maalmo u hadhsan yihiin Muuse Biixi isla markaana aanu diidi karin heshiisyada siyaasadeed waxayna wataan qorshe ay soo jeedin doonaan in lagaga baxo xaaladda adag ee Somaliland ka taagan.

Kulankii ugu danbeeyay waxay Beesha Caalamku ku muujiyeen sida ay uga soo hor jeedaan mjuddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda oo aan weli lagu ehshiin iyadoo xukuumaddu sheegtay in doorashooyinka lagu qabanayo sanadka danbe 2023.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa kala ah safiirada Reer Yurub, Ingiriiska iyo sidoo kale Maraykanka oo imika dano siyaasadeed ka leh Somaliland balse ka walaacsna tallaabooyinka Muuse Biixi.

Waxa la filayaa in Beesha Caalamku ay adkayso Doorashada Madaxtooyada isla amrkaana u sheegaan madaxweynaha in uu ka noqdo mudada loo kordhiyay ee 2-da sanno ah isla markaana algu soo koobo mudadii farsamo ee gudida doorashooyinka.

Comments are closed