|

Beesha Caalamka oo ka walaacsan xaalada Puntland

Garoowe November 21, 2023 (QJ) – War saxaafadeed ka soo baxay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa walaac xoogan looga muujiyay xiisada ka soo cusboonaatay magaalada Garoowe oo ay ku lug leeyihiin xoogaga mucaaradka ah iyo maamulka Madaxweyne Deni.

War saxaafadeedka beesha caalamka ayaa lagu sheegay in abaabulka ciidamada iyo iska horimaadyada ka socda magaalada ay dhibaato ku hayaan dadka rayidka ah, taasoo keentay in iskuulada la xiro. Ma jirto sabab cad oo loo adeegsado isticmaalka gacan ka hadal ama hanjabaad xoog. War saxaafadeedka ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin xaaladda hadda taagan oo ay ka muuqato xiisado colaadeed oo ay ka mid tahay in ciidamo la geeyay Garoowe, joogitaanka ciidamadan waxay walaac ku abuurayaan dadka rayidka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro, ma jirto sabab muuqata. Ficil kasta oo gacan ka hadal ah ama xoog ah, waa in xoogga la saaraa sidii loo gaari lahaa xal nabadeed, waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg-deg ah loo xalliyo xiisadda ka taagan magaalada Garoowe, waxaana lagu baaqay in si degdeg ah oo wax ku ool ah loo wada hadlo dhinacyada is haya si xaaladda loo xalliyo.

Comments are closed