|

Beesha Caalamka oo ka walaacsan colaada Laascaanood

Washington March 01, 2023 (QJ) – Wakiilo ka kala socday dalalka Qatar, Somalia, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Maraykanka ayaa dhawaan magaalada Washington ee dalka Maraykanka ku yeeshay wada-hadallo looga hadlay arrimaha amniga, maamulka, horumarinta iyo dadaallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, dalalka ka soo qayb galay shirka waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo amniga, xasilinta iyo horumarka Soomaaliya, waxayna ballan-qaadeen inay sii wadayaan ka-wada-shaqeynta si loo horumariyo himilooyinkaas.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen dagaalada ka socda Soomaaliya gaar ahaan ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la isla gartay in la xoojiyo dadaalada lagu doonayo in looga adkaado kooxaha argagixisada ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dalalka shirka ka qaybgalay ay garwaaqsadeen in si deg-deg ah wax looga qabto xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyo in gurmad loo fidiyo dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha.

Ka qeybgaleyaashu waxay walaac ka muujiyeen colaadda ka socota Laascaanood iyo nawaaxigeeda, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabbad-joojinta, ay dejiyaan xaalada, oggolaadaan gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn, oo ay galaan wadahadal wax ku ool ah oo nabadeed.

Ergooyinka ayaa isku raacay in shir kale lagu qabto magaalada Doxa ee dalka Qatar muddo saddex bilood gudahood ah si loo sii amba qaado wada xaajoodyada iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ka qeyb galaya shirka.

Dalalkan shirarka noocan ah ee soo noqnoqda ka yeesha Soomaaliya ayaan inta badan soo bandhigin xalka dhibaatooyinka ragaadiyay bulshada Soomaaliye balse danahooda Soomalaiya uun gorfeeyay.

Comments are closed