|

Beesha Caalamka oo diiday muddo kordhintii xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa. 5 October, 2022. (QJ)- Beesha Caalamka ayaa ka soo hor jeedsatay muddo kordhintii Golaha Guurtida ee Somaliland ay u sameeyeen xukuumadda Muuse Biixi.

Beesha Caalamku waxay ku baaqday in muddo kordhinta la waafajiyo mudada ay qabsadeen komishanka doorashooyinka qaranku ee ah 9 bilood oo lagu qabto doorashada madaxtooyada.

“Anaga oo daba socona muddo kordhintii ay sameeyeen Golaha Guurtida ee Somaliland, Beesha Caalamka ee la socota hanaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland waxay hoosta ka xariiqaysaa muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hanaan heshiis ku yimi oo ogolaanaya in doorashooyinka sida ugu dhakhsaha badan lagu qabto iyada oo la raacayo jadwalka-farsamo ee komishanka doorashooyinka.” ayaa lagu yidhi warka Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ee ku saxeexan war murtiyeedkani waa Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Yurub, Denmark, Jarmalka, France , Finland, Ireland, Sweden, Holland, iyo Talyaaniga.

Arintan ayaa la filayaa in ay cadaadis saarto Muuse Biixi.

Comments are closed