Beesha Ayuub oo Saluug xoogan ka muujisay Saamiga Ergooyinka Shir-weynaha Kulmiye
05,Apr.2014(SDN)-Cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda Beesha Ayuub,ayaa daboolka ka qaaday in aanay qaadanayn Saamiga laga siiyay Ergooyinka Shir-weynaha Xisbiga Kulmiye,iyaga oo ku tilmaamay inay arintaasi tahay cad-quudheedh,isla markaasna aanay u cuntamayn.waxaana ay intaas raaciyeen in ay gabi ahaanba qaadacayaan ka qeyb galka Shir-weynhaa hadii aan wax laga badalin Tiradda Ergooyinka Beesha laga siiyay oo haatan ah 22 Xubnood.
Waxa ay Cuqaashu sidaa ku sheegeen war-murtiyeed ay goor dhawd ka soo saareen shir jaraa’id oo ku yeesheen magaaladda Hargaysa oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska wararka ee Shabakadda caalamiga ah ee Somalidiasporanews.com,waxaana uu u dhiganaa sida tan: ““Kadib Markii Beesha Ayuub shir ay ku yeelatay Magaalada Hargeysa oo aaanu kaga Arrinsanaynay Ergooyinka 22 ah ee la siiyey beeshayada, waxay beeshu isla afgartay in aanay Beesha Ayuub Qaadan Tiradaasi 22 Ergey ee la siiyey, oo aanu u aragno Cad Quudheed oo aan u qalmin beesha, hoos u dhacna ay ku keenayso Sharaf, Karamada iyo Milgaha aanu leenahay, Waxa kale oo aanu cambaraynaynaa Masuuliyiinta Kulmiye ee inta ay qaybiyeen Eergooyin ka baddan 1000 ay beesha Ayuub u soo fiiqeen 22- kali ah, taasina waxay na Tusaysaa milgaha uu u hayo hogaanka Kulmiye Beesha Ayuub.
Hadaba Haaddii aynu Milicsano Sooyaalka Taariikheed ee intii hanaanka Xisbiyada baddan ay Somaliland u guurtay haaddii aynu jaleecno beesha ayuub waxay tahay beesha kali ah ee Boqolkiiba Boqol Codkooda Siin jiray Xisbiga Kulmiye, Haddii ay noqoto Doorashooyinkii Golayasha Deeganka, tii Madaxtooyada, iyo tii Golaha Wakiilada, sidaasi daradeed Kulmiyoow waxaanu ku leenahay sidday Beesha Ayuub kugu listay Ugumaad hambeyn.
Beesha Ayuub markii ay arrimahaasi oo dhan ay eegtay waxa ay go’aansatay in ay Dib ugu celiso Xisbiga Kulmiye Ergooyinkii uu u qoondeeyay, waxanuna Leenahay Beesha Ayuub uma Qalanto ee Kulmiyoow dib isku noqda.
Guntii iyo gabagabadii haaddii uu Xisbiga Kulmiye hoos u eegiwaayo cabashada Beesha waxay Beeshu go’aansaday inaan shirweynaha xisbiga kulmiye cid ku abtirsata Beesha Ayuub ka qayb gali doonin, mustaqbal siyaasadeed ee Beeshana si guud beeshu uga tashan doonto cida ay taageeradeeda uwareejin doonaan doorashoyinka soo socda.”.
Waxaana war-murtiyeedkaa ku saxeexnaa:
1. Chief Caqil Aw Khadar Aw Hasaan Aw Ibrahim
2. Caqil Wali Aw Ciise
3. Caqil Ahmed Ali Adan
4. Caqil Kamaal Sh. Mahamed Xaamud
5. Caqil Hussein Dahir
6. Caqil A/lahi Raabi Cadan
7. Caqil dheeg Adan Ahmed
8. Caqil Abdi Farah
9. Caqil Mahamed Geele
10. Caqil Abdilahi Hassan
11. Caqil Burale Mahamed Dheere
SDN-Hargaysa
Contact@somalidiasporanews.com