Beerta Xildhibaan Dogox Oo Laga Helay Meydka Nin Oromo ah Oo Shaqaale ka Ahaa
Hargeysa:08-March-2014(SDN)-Maydka nin Oromo ah oo u shaqayn jirey Beer uu Koonfurta Hargeysa ku Lahaa Xildhibaan Dogox oo ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa laga Helay Berked isla-beertaas ku dhextaalla.
Meydka ninkaas ayaa La Keenay Shalay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxana la Sheegay inuu Muddo Laba Maalmood ah ku Jirey isla Berkaddaas .
Ninka Oromada ah ayaa La Sheegay inuu Ka mid ahaa Koox Shaqaale ah oo Beertaas ka Shaqaynaysay, waxana ay Ciidanka Boolisku Xabsiga dhigeen Lab aka mid ahaa Shaqaalaha Beerta oo iyaguna ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, kuwaas oo Haatan Su’aalo lagu bilaabay.
Wararka kale ee ay Qurbejoog Helayso, ayaa sheegaya In ciidamada Dembi baadhista CID-du ay u yeedheen Xildhibaan Saleebaan Dogox, waxana ay weydiiyeen Su’aalo la Xidhiidha Geerida ninkan iyo Goortii noloshiisa ugu dambaysay.
Maydka Ninkan ayaan wali la Aasin, waxana uu yaallaa Qolka Maydka ee Cisbitaalka Hargeysa, waxana la Filayaa in Ehelladiisa la Sugayo intaas kadibna la aasi Doono.
Dhinaca kale Xildhibaanka uu Ninkan dhintay u shaqaynayey oo aanu la Xidhiidhnay si aanu wax ugu weydiino Dhimashadan ayaanay noo Suurogelin, kadibmarkii uu Telefoonkiisa qaban waayey.
S.D.N