Beelo Xaqoodii Raadinaya Oo Meehaanabaya Xarunta Xisbiga Kulmiye, Hoggaanka Sare Oo Ka Muquurtay Iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Oo Saaka Ku Kallahay Si Uu U Xalliyo Khilaaf Soo Baxay
Hargeysa:24-April-2014(SDN/QJ)-Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ayaa isu beddeshay Goob ay ku dhex meehanaabayaan Beelaha Cabashada ka qaba Saami-qaybsiga Ergooyinka Xisbiga oo dhawaan lagu wado inuu Bilaabmo.
Xarunta Guud ayaa marka laga Bilaabo 8:00-Aroornimo ilaa iyo 1:00-Duhurnimo aanay ka faaruqin Dadweynaha iyo waxgaradka reeraha Metelaya ee cabashada ka qaba Saamiga wax lagu qaybiyey.
Sidoo kale Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Saaka ku kallahay xarunta Xisbiga, isagoo halkaas Shir Qarsoodi ah kula Galay Hoggaanka Xisbiga oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Muuse Biixi.
Booqashada Saylici ayaa dadka u dhuun daloolaa ku macneeyeen Khilaaf haatan soo baxay oo ka dhex taagan Guddida Qabanqaabada iyo Guddoonka Sare ee Xisbiga oo isku Haya arrimo la xidhiidha hannaanka wax loo qabanqaabinayo oo Hoggaank dalbadeen inay Talo ku yeeshaan.
Guddoonka Sare ee Xisbiga ayaa la sheegay inay dalbadeen inay gacan ku yeeshaan cidda lagu casuumayo Shirweynaha oo ay Guddida Qabanqaabaduna ka diiday, iyagoo ku andacoonaya inay iyagu xaq u leeyihiin inay maamulka shirka yeeshaan oo aan loo gacan dhaafin.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa Muuse kala hadlay khilaafka jira, isagoo sidoo kalena su’aalo ka weydiiyey bal halka ay marayso qabanqaabadii shirweynaha Xisbigu.
Mudane Saylici ayaa markii dambe sida la sheegay dhinacyada is hay aka Dalbaday inay iska dhaafaan Khilaafaadka madhalayska ah ee Xisbiga ku hareeraysan, isagoo ku adkeeyey inay is ixtiraamaan oo ay shirka dedejiyaan.
Hawl-wadeeno ka tirsan Qurbejoog.com oo saaka Booqday Xarunta Xisbiga ayaa halkaas kula kulmay Dadweyne Tiro badan oo qaab qabiil u abaabulan, kuwaas qaba cabashooyin ku saabsan sidii saamiga Beelaha ee ergooyinka dib loogu noqon lahaa.
Xilligaas ay Hawl-wadeenada Qurbejoog.com tageen Xarunta Xisbiga, waxa Goobta ka maqnaa Guud ahaanba Maamulka sare ee Xisbiga oo ka muquurtay Cabashada Beelaha, waxana kaliya Halkaas joogay shaqadana kala waday Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
S.D.N/QJ-Hargeysa
Contact@qurbejoog.com