|

Beelo ku dagaalamay Balanballe

Balanballe May 17, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa ku soo warramaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in maleeshiyaad hubeysan oo xoolo dhaqato ahaa ay dileen hal qof mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray, kuwaasi oo labaduba ahaa dad shacab ah.

Dhacdadaan ayaa lala xiriirinayaa dilal la xiriira aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka dhacayay qeybo ka mid ah deegaanada Galmudug, iyadoo madaxda deegaanka iyo ciidamada ammaanka ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan arrimaha taagan.

Ciidamada ammaanka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa ka jawaabay weerarka, waxaana la dilay nin ka mid ahaa dadkii. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay wali ku raad joogaan maleeshiyaadkii soo haray.

Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin weerarkan. Si kastaba ha ahaatee, shantii sano ee la soo dhaafay ayaa deegaanada Galmudug waxaa ka dhacayay colaado beeleedyo soo noq noqday.

Comments are closed