Beelhii ku dagaalamay duleedka Burco oo ku kala kacay fadhi ay isku keliyeysteen
Burco June 12, 2023 (SD) – Waxa dhawaan markii u horeystay fadhi isugu yimi labada beelood ee Maxamed Ciise iyo Xirsi Bari oo tiroba dhawr jeer ku dagaalamay duleedka Birco.
Labada beelood oo ku dagaalamaya degaano teedsan Togdheer ilaa dalka Itoobiya sheegashadiisa ayaa markii u horeysay toos isku wareystay.
Beesha Xirsi Bari oo degaanka iyagu kolkii hore ku martigeliyay Beesha Maxamed Ciise ayaa ugu horeyntiiba xustay taariikhda degaanka iyo sida loo kala leeyahay.
Beesha Maxamed Ciise oo laga filayay qirashada taariikhda degaanka iyo sida loo kala dego ayaa si indho baal ah ku sheegtay in dhulka aaney cidi ka xigin isla markaana ay ku joogto nidaam dawladeed oo kafaalo qaadaya joogitaankooda.
Beesha Xirsi Bari oo arinka si weyn uga carootay ayaa la sheegay in ay shirka sidaa uga kacday bacdamaa shaki lageliyay degaankoodan.
Sida ay inoo sheegeen dad ka agdhow madaxdhaqameedka kulmay ayaa inoo sheegay in hadalka ka soo yeedhay beesha Maxamed Ciise uu ka dhignaa dagaal qaadasho.
Madaxtooyada Somaliland oo kaashaneysa Suldaan Cismaan Suldaan Madar iyo Wasiir Siciid Sulub ayaa aad isugu deyayay in mudo ahba in ay beesha degaanka leh ee ay ka soo jeedaan in ay ku dirqiyaan aqbalaada in degaanadooda lala leeyahay.
Balse waxa hada Beelweynta Garxajis u soo baxday sida xaalada ay uga danbeyso Xaafadtooyada Hargeysa, isla markaana haatan wixii ka danbeeya laga goaan qaadan doono damacan guran.