|

Beelaha Gobolka Karkaar oo Baaq ka Soo Saaray Xaalada Siyaasadeed ee Puntland

Qardho May 24,2013(SDN)-Beelaha Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa maalmihii u danbeeyay kulamo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee maamulkaasi ku lahaa Hotel Embeeye.

Hogaanka Beelaha Karkaar ayaa kulamadooda ka dib maanta soo saaray baaq ay ku soo jeediyeen sidii looga bixi lahaa xaaladaha siyaasadeed ee cakiran,baaqooduna sidan ayuu u dhignaa;

-In Isimada Puntland ay soo fara geliyaan xaalada cakiran ee Puntland  doorkoodana ka qaataan isuguna yimaadaan shir deg deg ah oo lagu badbaadinayo Puntland.

In aan wax xisybiyo siyaasadeed ah aan laga hirgelin karin gobolka Karkaar degaamadiisa iyada oo aanay marnaba suurto gal ahayn in xisbiyo laga furo gobolkan.
Sababahan awgeed

-Maxkamad dastuuri ah oo aan jirin
-tiro koob la’aan
-Degaanadii Puntland oo aan kala xadaysanayn
-Aqoonsigii muwaadiniinta Puntland oo aan jirin iyo diiwaan gelin la’aan

-Hubka dhigis oo aan la samayn
-Gobolladii Puntland oo qaybtood maqan yihiin oo aan laga codayn karin
-Xaalada Amniga iyo dhaqaalaha oo aad u liita

-In la taageero baaqii uu soo jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland G.cadde Muse Xirsi ee ku aadanaa waxka qabashada xaalada cakiran ee Puntland
hada ka jirta iyo in loo noqdo hab dhismeedkii barlamaanka Puntland oo 66 ka koobnaa si loo soo dhiso hoggaan cusub oo puntland u diyaariya qaab dhismeed
xisbiyo siyaasadeed loogu dareero sida uu qabo dastuurka Puntland

-In dhamaan shacabka ku nool gobollada Puntland isu taagaan sugitaanka amniga iyo midnimada Puntland.

SDN-Qardho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed