Beelaha Gaashaanbuur ee Ciidagale oo Shir weyne Ay Maanta Qabteen kaga Dhawaaqay In Musharaxa Rasmiga ah ee Beelaha Gaashaanbuur u yahay Musharax Khadar Ibraahim Axmed Qayleweyne oo ka Sharaxan Xisbiga UCID
Hargaysa Nov23/12 (SDN)Shirweyne Maangta Ka qabsoomay Magaalada Hargeysa Oo ay Isugu yimaadeen Beelaha (Gaashaanbuur Ee Ciidagale) Kaasoo siweyn Loogu Taageersanaa Musharaxa Goalaha Deegaanka Gobolka Maroodijeex kana tirasan Xisbiga Ucid,
Shirkaasi Oo ay u dhamaayeen Guud ahaan Waxgaradka Cuqaasha Dhalinyarada Aqoonyahanka iyo Haweenka Beesha (Gaashaanbuur Ee Ciidagale) Kaa soo Laga dhawaajiyay Cod dheera lagu sheegay Musharaxa Rasmiga ah ee laysku Raacay Ee Beesha Gaashaanbuurna U mataalaaya Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Inuu yahay Musharax Khadar Ibraahim Axmed (Khadar Qaylaweyne iyadoo Siddoo kalena ay Xuseen Madax Dhaqameedkii Shirkaa isugu yimid inay Jiraan Rag kale Oo katirsan Beeshu inay iska Sharax
een meelo Kale, Laakiinse Aanay Matalin Gaashanbuur, Balse ninka Layku Raacay Uu yahay Khadar Qaylaweyne Siweyna ay ugu Baraarujinayaan Dhamaan Beesha Gaashaanbureed dadkeeda Ku nool gobolaka Marodijeex. waxa kale oo goobta ka hadlay aqoon yahano salaadiin iyo abwaaniin uu ugu horeyo Muse Cali Faruur kuna barujiyey in xisbiga Ucid uga sharaxan yahay murashaxaasi .
Hargaysa Qurbojoog