|

Beel Miisaan Leh Oo Sheegtay Inay Ka Baxayso Maamulka Puntland, Una Guurayso Maamullada Dawladda Taabacsan

Gaalkacyo:Aug,27,2014(SDN/QJ)-Beel ka mid ah Kuwii Dhidibada u taagay Maamulka Puntland, ayaa ku dhawaaqday inay Go’aansadeen inay iska baxaan Maamulkaas, isla-markaana ay u digorogonayaan dhinaca Dawladda Federalka.

kaseKulan Waxgaradka Beesha Layl-kase ay ku yeesheen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa sheegeen in ay uga Arinsadeen Qaabkii ay uga bixi lahaayeen Maamulka Puntland.

Nabaddoon Salaad Maxamed Xirsi oo ka mid ah Nabadoonada Beesha Leyla-kase oo kulanka ka dib hadlay ayaa sheegay in ay isku Afgarteen in ay ka baxaan Maamulka Puntland islamarkaana ay wax la dhistaan Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

“Waxaan go’aan sanay in Puntland aan ka baxno,Ciidamadeena iyo Wixii nooga jira ayaan kala baxeynaa,Dadkaas walaalaheen ah ayaan wax la dhisaneynaa”ayuu yidhi Nabadoon Salaad.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in ay ka Xun yihiin hadalkii Ina Gaaz ee ahaa in uu ka soo horjeedo Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Arrinan ayaanay wali maamulka Puntland wax jawaab ah ka Bixin, waxase ay ka fikirayaan Dabinkii lagu kala furfuri lahaa Beeshan dhawaaqa soo saartay xilli xaaladda Guud ee Maamulkaasi aanay siyaasad ahaan wanaagsanayn.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay xidhiidhkii u jareen Dawladda Federalka Somalia, waxana ay cadhoodu ka dhalatay Maamulka Gobolada dhexe ee Dalka oo Dawladdu si rasmi ah u aqoonsatay,  balse ay Puntland ku qanci weyday.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed