Bashar Al Asad:Mareykanku in uu na weeraro ayuu qorsheynayaa
Dimishiq Sept 27,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Syria Bashar Al Asad ayaa shegay in dawlada Mareykanku weli ku hawlan tahay qorshe ay dalkiisa ku weerareyso.
Madaxweynaha dalka Syria ayaa sidaa ku xusay wareysi uu dhawaan siiyay TVga qaranka ee dalka Venezuela oo la yidhaahdo Telesur network.
Madaxweynaha ayaa ka waramay sida dalkiisu uu ugu hawlan yahay sidii hubka chemicalska ah ay u burburin lahaayeen.
Balse waxa uu sheegay in dawlada Mareykanku aaney arinkaa ku qanacsaneyn isla markaana ay ka goan tahay in ay weeraraan.
Hadalka madaxweynaha Syria ayaa ku soo beegmaya xili dawladaha reer galbeedka oo Mareykanku hogaaminayo ay qaraar ka dhan ah Syria horgeeyeen Gollaha Amaanka ee QM.
Qaraarkan ayaa lagu dalbanayaa in Syria la ciqaabo hadii aaney ka dhabeyn in ay dhiibto dhamaan hubka chemicalka ah ee ay heysatao.
Qaraarkan oo aaney weli taageerin dawladaha China iyo Ruushka ayaan la garaneyn halka uu sal dhigan doono.
Si kastaba ha ahaatee dawlada Syria ayaa dhankeeda wada wada qorshe ay ku muujineyso in ay ka goan tahay in ay wareejiso dhamaan hubka Sunta ah ee ay heysato si aan loo weerarin.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com