|

Baro 8-deedda Xildhibaan Ee Lama Illaawaanka Ka Noqday Fadhigii Shalay, Dareenka Shacabkana ka Jawaabay

Hargeysa:25-Sep-2013(SDN)-Fadhigii Golaha Wakiillada ee maalintii shalay codka Loogu Qaadayey Xeeka horumarinta Waddooyinka oo ay fadhiyeen 69-Xildhibaan, islamarkaana aqlabiyadoodu u codaysay in xeerkan shacabka Dulmiga iyo Dhiig-baxa ku ah la meel mariyo, ayaa waxa iyagu Goobtaas Go’aan Geesinimo leh ka muujiyey Siddeed ka mid ah xildhibaanada ugu hawlkarsan Golaha.
xil xoogXildhibaanadan  oo Dagaalka ka dhanka ah xeerkan waday illaa iyo daqiiqaddii ugu dambaysay ee Codaynta, islamarkaana isticaamalay wax alla iyo wixii ay awood lahaayeen, kagana soo horjeestay Xeerkan,  af, Addin iyo Gacanba, ayaa ugu dambayntii kaliya lagu muquuniyey Hantidii umaddani lahayd oo lagu fooriyey Golahan si cod looga helo.
Xildhibaanadan oo ah qaar ku suntan Quluubta shacabka, islamarkaana xukuumaddu isku dayday inay la miciin dhigto kuwa kale  shilimaadka loo lulo, ayaa kala ahaa:

  1. Ibraahim Jaamac Cali Rayte
  2. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi
  3. Ibraahim Mahdi Buubaa
  4. Baar Siciid Faarax
  5. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
  6. Siciid Cartan Cismaan faarax
  7. C/raxmaan Maxamed Jaamac(Xoog)
  8. Cali X.Maxamed Muuse

Siddeeddan xildhibaan ayaa baal dahab ah ka galay taariikhda Somaliland, waxana lagu xasuusan doonaan dagaalkii qadhaadhaa ee ka galeen sidii ay xeerkan shacabka dulmiyaya u hor istaagi lahaayeen.
Sidoo kale waxa xusid mudan in kooxdan tirada yar ee xildhibaanada ahi ay ka soo hadheen xildhibaanno tiro  badan oo maalmo ka hor ay ka soo wada horjeedeen, balse markii dambe waxoogaa shilimo ah  oo Madaxtooyada laga keenay doorbiday.

 

Shabacbka reer Somaliland oo il gaar ah ku eegayey  Tallaabada ay qaadeen golihii ay doorteen, islamarkaana ka sugayeen inay dareenkooda ka jawaabaanka, ayaa waxa ay carrabka markii dambe si aad ah ugu hayeen kaliya siddeedda xildhibaan eek a gilgishay culayskii ay xukuumaddu shaccabka dusha kaga wadday.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somaldiasporanews.com.

Comments are closed