|

BARNAAMIJKII 3QAAF IYO MAANTA

ILAAHAY BAA MAHAD ISKA LEH  DHAMAAN IDILKEED

Waad salaaman tihiin akhristayaasha qaayaha lahoow. iyo wariyaayashaba u heegan 24/7 wargaarsiinta ummada

Intaasi ka dib noqo qof wax qabta oo ka qayb qaata waana 3qaaf qabta ka qayb qaata oo macnaheedu yahay ha noqon mid ummada iskaga dhex jira ee noqo qof muslin ah oo ummada wax tara kana qayb qaata waxyaalaha khayrka ah ee ummada u wanaagasan

Waxaynu nahay ummadii alle soo saaray tii ugu khayrka badnayd waxaynu ku noqonay ooynu darajadaasi sare ku helnay waxnu nahay ummada dadka xumaha ka reebta wanaagana farta   haddii camalkaa laynaga waayo  magacaasi ku sifoobi mayno.  qofkana waxaa u wanaagsan markhaati marka camalkaagu kuu markhaati furo kuwii iimaanka inooga horeeyeyna waxay aaminsanaayeen camalkoodii bay kaga run sheegeen.

Waxaynu qaacida u qaadan karnaa iyo ku dayasho wanaagsan  aynu kuna  rabayno nafteena iyo ubadkeenana  qisadii dhex martay ninkii xakiimka ahaa ee luqmaan xakiim ee ilaahay ku sheegay quraanka xigmadiisa

Waxaa uu yidhi markuu inankiisa la hadlayey sidatan

17-Wiilkayow oog salaadda oo far wanaagga oo reeb waxa la naco kuna samir waxa ku gaadha .arrintaasu waxay ka mid tahay umuuraha wanaagsane. Aayadan quraanka aha bal eega oo aad ooga fakira inta shaqo loo diray wiilkaasi  iyo  dhibta soo gaadhaysa oo looga daba bushaareeyey wanaag  waxaa haboon inaynu caruurteena ku korino aayadan

qofka muslinka ahi ma ah mid yidhaahda aniga waxba igama galin iyo ima khusayso iyo maxaa ka macna ah  dhaqankaasi ma ah dhaqan islaam qofka muslinka ahi waa raaci waakii xadiiskii rasuulku ahaa kuligiin masuul baad tihiin ood ka tihiin reerihiina iyo inta idin hoos joogta marba

waxaynu ku kala tagaynaa wax qabo oo ka qayb qaado ummada ammuuraheeda (midna ogaada haddii laynaga waayo kuwa xumaha reeba wanaagana dadka fara waxaad u diyaar garowdaan fusuq iyo cadaab alle waayo dacwadii shaydaanka ayeynu albaabda u furnay maxydin filanysaan markaad cadow gurigiina aad u furtaan )ninka nabi maxamed s.w.a. jecelow ummaddiisa jeclow oo khayrkeeda iyo wanaageeda ka shaqee siduu nabi maxamed s.a.w.ooga shaqaynayey habeen iyo maalinba ummadani sidii ay u aflixi lahayd adduun iyo aakhiraba ayuu u heeganaa ilaahay baana quraankiisa ku sheegay oo yidhi.

suurat at- tawbah 128- waxaa idiin yimid rasuul idinka mida oyna ku darantahay wax idin dhiba, idiin kuna dadaali , una turid iyo naxariis badan muminiinta  rasuulku s.a.w. wuu jecelyahay ummaddisa waxaa uu nabi maxamed s.w.a. jecelyahayna waa inaan jeclaanaa wax uu nacana waa inaa nacnaa sidaasuu khayrku ku jiraa

FUAD JAWI

OTTAWA CANADA

Comments are closed