|

Barlamanka Venezuela oo isku raacay in dib loo dhigo Dharinta Madaxweynaha xanuunsan ee Hugo Chavez

Caracas Jan 09 2013 (SDN)- Barlamanka dalkaVenezuelaayaa meel mariyay codsi ah in dib loo dhigo dhaarinta Madaxweynaha dalkaasi Hugo Chavez oo waqti kale ku guuleystay in uu talada wadankaasi sii hayo. 

Munaasabada lagu dhaarin lahaa Madaxweynaha Venezuelan ayaa lagu waday in ay dhacdo birito oo ay ku beegantahay 10-janaayo oo lagu madalsanaa in la dhaariyo Madaxwenaha dalkaasi. 

Barlamanka ayaa u codeeyay in waqti dheer la siiyo Madaxweynaha si uu u kasbsado lamana shaacin waqtiga rasmi ah ee loo dhaarin doono Madaxweynaha Xilka Madaxtinimo ee dalkaasi. 

Madaxweyne Hugo oo 58-sano jir ah ayaa ku xanuusanayaya Isbital kuyaalla MagaaladaHavanaee JasiiradaCubahalkaasi oo looga qalay Kansar saameeyay Sababihiisa. 

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Nicolas Maduro ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu san soo laaban karin islamarkaana uu san ka qeybqaada karin xafada dhaarinta ee barito loo qosheeyay in ay dhacdo. 

Hugo Chaves ayaa fagaaro uu ka soo muuqdo waxaa ugu danbeeyay markii uu ka soo laabtay qaliin islaCubaloogu sameyay bilooyin ka hor waxana dadbadan shaki uga jira nolasha Madaxweye Hugo.

SDN-Caracas

Comments are closed