Barlamanka Soomaaliya oo ansixiyay wasiirada cusub ee lagu soo daray Xukuumadda Saacid
Muqdisho Dec 29 2012 (SDN)— Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Wasiir ku xigeenidii uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Mudanayaasha baarlamanka ayaa kulankan waxaa ay ku yeesheen Xarunta Golaha shacabka iyadoo uu shir gudoominayay Maxamad Cismaan jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.
Muhiimada kulan ayaa waxaa ay ahayd mid kaga doodayeen aragtidooda ku aadanayd Wasiir ku xigeenidii uu Ra’iisul Wasaaraha ku dhawaaqay.
Cod gacantaag oo loo qaaday Wasiiradan ayaa waxaa taageeray 138 halka ay ka soo horjeesteen kaliya 12 xildhibaan.
Ugu dambayna gudoomiyaha Baarlamanka Maxamad Cismaaj Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Wasiirada uu baarlamanka ogolaaday.
Cabdi Faraax Shirdoon oo ah Ra’iisul Wsaaraha Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Baarlamanka sida ay u aqbaleen Wasiir ku xigeenada Cusub.
SDN-Muqdisho