Barlamanka oo sameystay hoogaanka qaar ka mid ah gudiyada iyo wasiiru dowle lagu dhaariya golaha shacabka (Sawirro)
Muqdisho Jan 05 2012 (SDN)- Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta iska dhex doortay gudoomiyaasha gudiyada Baarlamanka sidoo kalana waxaa la dhaariyay Mid kamid Wasiiru dowlayaasha.
Kulanka Maanta oo ay soo xaadireen 170 Xildhibaan waxaana shirgudoominayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka dalka Jeeylaani Nuur Iikar iyadoo kalfadhiga diirada lagu saarayay doorashada gudoomiyaasha,kuxigeenadooda iyo waliba Xubnaha gudiyada baarlamanka.
Kadib furitankii kulankii maanta ayaa waxaa dhamaan gudiyadii dhawaan ay iska soo dhex xuleen baarlamaanka ay yeesheen gudoomiye iyadoo ay kasoo muuqdeen xildhibaano horay wasiiro usoo noqday.
khadiijo Maxamed Diiriye,ayaa waxaa loo doortay gudoomiyaha gudiga xaquuqul insaanka, haweenka iyo Arrimaha binn’aadanimada,iyadoo sidoo kale maanta la doortay gudoomiyaasha gudiga soo haray.
Gudoomiyaha gudiga difaaca Baarlamaanka ayaa waxaa loo doortay Xuseen Carab Ciise wuxuuna sheegay inuu si wanaagsan uga shaqeyn doono xilka loo doortay,wuxuuna horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga xukuumadii KMG aheyd.
Dhinaca kale waxaa Baarlamanka hortooda lagu dhaariyay Faarax C/qaadir oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf.
Waa Kuwan Qaar Kamid ah Guddoomiyayaasha la soo doortay