|

Barlamanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelan doona golaha Shacbiga Muqdisho

Muqdisho May 22 2013 (SDN)— Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta hortageysa Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya si ay ugu sharaxdo wax qabadkii mudada dhawrka bilood ah oo ay jirtay.

Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya oo aan Telfonka kula xiriiray saakay ayaa waxa ay sheegeen in maanta kulanka xildhibaanadu uu yahay mid xasaasi ah islamarkaana Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada la horgeyn doono.

Afhayeen Madaxweynaha Soomaaliya Eng Yariisow oo hadlay ayaa isna sheegay in maanta dowladda ay barlmanka horgeyn doonto qorshaha Xasilinta & Maamul u sameynta dalka.

Maalmihii danbe ayaa maalada Muqdisho waxaa hareynayay mowshin la sheegay in laga geynayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiisa.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed