|

Barlamanka Maamul goboleedka Puntland oo meel mariyay miisaaniyada sanadka 2013ka ay ku shaqeyn doonaan

 Muqdisho Jan 07 2013 (SDN)- Afhayeenka barlamanka Maamulka Puntland oo la haday warbaahinta ayaa u sheegay in maanta barlamanka maamulkaasi uu ansixiyay miisaniyada sanadka 2013ka. 

Afhayeenka ayaa sheegay in kulan ay ku yeesheen Mudanayaasah barlamanka Puntland Magaalada Garoowe islamarkaana ay soo xaadireen 48-mudane lagu ansixiyay miisaaniyada sanadka. 

Madasha lagu ansixinayay miisaaniyada maamulka Puntland aya waxaa xaadir ku ahaa Wasiirka maaliyada maamulkaasi oo ay xildhibaanadu wey diinayeen su’aalo la xiriira misaaniyada. 

Markii la ansixiyay miisaaniyada sanadka 13ka ee maamulka Puntland ayaa waxa ay xildhibaanadu ka codsaneeda wasiirka Maaliyada in uu xilweyn iska saaro mushaaraadka cidiamada oo ay sheegeen in ay muhiim tahay. 

Ansixinta miisaaniyadan ayaa waxa ay imaaneysaa waqti ay dadka reer Puntland isla dhaxmarayaan waqtiga uu ku egyahay xilka Madaxweyne Faroole oo ku began Biri oo 8-Jan ah.

SDN-Muqdisho

Comments are closed