|

Barlamanka Ingiriiska oo ka hadlay Heshiis dhex mara Taliban iyo dowladda Afghanistan

Bilowga xishiis nabadeed oo Afghanistan ay hogaaminayso oo lala galo ururka Taalibaan ayaa lagu sheegay inay tahay xaqiijinta mustaqbalka Afganistan ,sida ay sheegeen gudiyo ka tirsan baarlamaanka ingiriiska.

Gudiga difaaca dalkaasi ayaa sheegay in muhiimada ay tahay dhameynta dhibaatada ka taagan dalka Afhganistan, waxaana xoghayaha difaaca Philip Hammond uu ku dhawaaqay in Uk ay ka caawinayso afgaanistaaniyiinta inay gaaraan xajinta siyaasad dhisan.Warka kasoo baxay xildhibaanda ingiriiska ayaa diirada lagu lagu saaray qorshaha kala bixida ciidamada Ingiriiska ee dalka Afganistan dhamaadka sanadka 2014 iyo sidii ciidamada amaanka qaranka ee Afganistan loogu wareejin lahaa masuuliyada amaanka.

Gudiga ayaa sheegay inay doonayaan inay arkaan.

• Furitaan doorasho xor ah.

• Ku talo gal tababar iyo qalabeyn ciidamada Afganinstan iyo wadiga taageerada dhaqaalaha.
• Hab sharci dajin adag oo difaacaya xuquuqda aadanaha.

• Sii wadida harumarka gargaarka.

Gudiga difaaca baarlamaanka ingiriiska ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan dulduleelo muujinaya in ciidamada amaanka ee dalka Afganistan aysan helin adeegyada kala duwan oo ay u baahan yihiin.

Gudoomiyaha gudiga James Arbuthnot ayaa yiri “waxaan halnay diidmo saadaal qayaxan oo ku wajahan Afganistan, xaqiiqda ayaa ah in Uk ay taageersan tahay nabada, waxaana shacabka dalkaasi gacantooda ku jira inay go’aansadaan mustaqbalkooda”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ingiriiska iyo dalalka caalamka ay u muujiyaan shacabka afganistan inay usii wadayaan taageerada ay ku siinayaan dadaaladooda.

Ingiriiska waxaa afganistan ka jooga ciidamo gaaraya 9000 kuwaasi oo ka mid ah Nato waxaana dhamaadka sanadkaan la qorsheynayaa in laga soo saaro 5.200 oo askari so loo yareeyo tirada ciidan ee ka jooga halkaasi.

Xoghayaha difaaca Philip Hammond ayaa soo dhaweeyay hadalka ay soo saareen gudiga difaaca baarlamaanka ingiriiska isaga oo sheegay in ahmiyada ay tahay sidii ciidamada afganistan ay ula wareegi lahaayeen amaanka.

Wuxuu dhanka kale sheegay in ciidamada amaanka afganistan ay iminka 80% ay adkeeyaan amaanka dalkaasi ,laakiin muhiimada ay tahay in dhamaan amaanka ay la wareegaan amaanka dalka.

“Waan sii wadi doonaa taageeraada aan siineyno dowlada afganistan 10-ka sano ee socda waxaana sanadkiiba aan siin doonaa 178 Milyan oo Yuuro oo ah gargaar ilaa 2017.

Comments are closed