|

Barlamanaka Soomaaliya iyo Burundi oo heshiisyo kala saxiixday

Muqdisho Feb 12 2013 (SDN)– Iyadoo maalmahan Magaalada Muqisho ay ku sugan yihiin Xildhibaano ka socdo Baarlamaanka dalka Burundi kulamana ay la qaateen madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya ayaa Guddoonka Baarlamaanka wuxuu sheegay in Baarlamaanada Soomaaliya iyo Burundi arimo kala duwan ay iska kaashan doonaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlaye kulan uu la qaatay Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Burundi ayaa sheegay inay iska kaashan doonaan arimo dhowr ah oo kamid ah dhanka xuquuqul aadanaha.
Wuxuu sheegay in sidoo kale ay yeelan doonaan labada Baarlamaan ee Burundi iyo Soomaaliya wada shaqeyn wanaagsan uuna ku faraxsan yahay arintaasi.Maalintii axada ayeey aheyd markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi ay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxda dalka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed