|

Barlamaanka Puntland oo diiday gollaha maxkamada sare iyo Deni oo dib ugu soo celiyay

Garoowe (QJ) – Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta diiday ansixinta golaha Maxkamadda sare ee Puntland, oo uu dhawwaan Magacaabay Madaxweyne Siciid Deni.

Kulanka codeynta Baarlamaanka Puntland ee golaha Maxkamadda sare waxaa goobjoog ka ahaa 43-xildhibaan, waxaana diiday in ay ansixiyaan golaha Maxkamada sare 23-Xildhibaan, waxaa ogolaatay 11-Xildhibaan halka 9-xildhibaan ka aamuseen.

Ruuxa uu Madaxweyne Deni u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare Axmed Taaraan ayaa horey u diiday in uu hortago golaha wakiiladda Puntland, isaga oo aaminsanaa in aysan codka kalsoonida siineyn.

Geesta kalena, Wareegto uu goordhaw soo saaray xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayuu mar kale dib ugu magacaabay guddiga Maxkamadda Sare ee Dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaan dooneyn in uu cid kale u magaacabo gollaha Maxkamada sare ee Puntland, waana mid ka mid ah dhaqamada madaxda Soomaalida in cidii ay doonaan magaacistooda ku adkeystaan.

Comments are closed