Barlamaanka Kenya Oo Ka Cabanaya Caqabado Kaga Yimi Waaxdooda Garsoorka
Nairobi:Sep,14,2014(SDN/QJ)-Aqalka Baarlamaanka Kenya, ayaa sheegay inay dhibaato ka Haysato Waaxda Garsoorka Dalka oo dhinaca wada Shaqaynta Caqabad ku ah.
Afhayeenka Baarlamanka Dalkani kenya Justin Muturi ayaa sheegay in waxaada garsoorka dalka ay caqabad ku yihiin aqalka baarlamanka, isla-markaana ay Horjoogsadeen shaqooyinkii la doonayey inay hore u socdaan.
Muturi ayaa xusay in maxkamadaha dalka ay mar walba soo saaraan amaro hor istaagaya dhaqan galinta sharciyada ay ansixiyaan Aqalka baarlamanka.
Afhayeenka baarlamanka ayaa ugu baaqay waxaada garsoorka inay xushmeeyaan doorka baarlamanka ee ansixinta sharciyada iyo la xisaabtimida xukuumada.
Gudoomiyaha Gudiga dhaqan galinta dastuurka dalka ayaa isna ka shanqadhiyey arintan isagoo garsoorka ugu baaqay in xushmeeyeen doorka baarlamanka.
Waaxda Garsorka Dalke Kenya ayaa inta badan oo soo gudbin shuruucda Baarlamaanku ka codsado, waxana ay dhaqan gelintooda ka cago jiidaan sharciyo kale oo baarlamaanku ansaxiyeen, kuwaas oo ay iska diideen inay ku dhaqmaan oo dadka ugu shaqeeyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com