Barbara Berlusconi oo u Miciyolisatey Iney Xukunto Naadiga Ac Milan.(By Jaahuur)
Milan-Italy-Nov-10-2013-(SDN)-Saaxiibayaal Qormadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa Barbara Berlusconi oo uu dhalay BM hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi iskana leh naadiga Ac Milan ayaa u ruqaansatey inay la wareegto maamulka Naadigooda Ac Milan.
29-tan jirtan Barbara Berlusconi ayaa aabeheed ka codsatey inuu u ogolaado iney dib cusbeyneyn ku sameyso Naadiga.
Gabadhan ina Silvio ayaa ka dhawaajisey ineyna sheekadu ahayn bedelaad kaliya,laakiin waa in laga takhalusa maamulka naadiga oo dhan kuna jiro CEO-ga Andriano Galliani,waayo cid kale gurigeyga marti uguma ahaanayo.
Haddaba xidhiidhkii wanaagsanaa ee ka dhexeeyey Galliani iyo Berlusconi ayaa aad u sii kala fogaanaya iyo Ac Milan oo kaalinta 11-aad kaga jirta horyaalka ka socda Talyaaniga.
Ina Silvio waa Barbara Berlusconi ayaa ku hanjabtey haddii aay kooxdu ka badinweydu naadiga Chievo inuu daaqadda ka baxai doono tababae Massimiliano Allegri,laakiin taa waxa ku qacanseydhey Gilliani.
Haddaba isqab-qabsigaa faraha ka baxay aynu aragno ciddii u soo hadha reerka.
W/qorey Jaahuur
SDN