|

Barawe:Haweenay Shabaabku Dhagax Ku Dileen iyo Sababaha ay u Cuskadeen

Barawe:Sep,27,2014(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab ayaa maalintii shalay Magaalada Barawe ku Dilay Haweenay ay ku eedeeyeen inay isku mar guursatay Saddex Nin oo kala duwan.

dhagxSida ay wararku sheegayaan, Haweenayda ayaa magaceeda lagu sheegay Safiya Axmed Jimcaale, waxana lagu dilay Dhagax xilli eedeedu salka ku Haysay inay sharciga ka tallaabsatay.

Dilka Haweeneyda ayaa waxaa ka qeybqaatay ku dhawaad Saddex Boqol oo shacab ah kuwaasi oo guryahooda looga soo saaray Cod baahiyaha, iyadoona dilka haweeneyda kadib lagu amray inay ku Tukadaan Salaada Janaasada.

Dhanka kale, Safiya oo 33 sano jir ahayd, ayaa waxay dhashay saddex caruur ah, waxayna Maxkamadaynteedu muddooyinkaanba ka soconeysay Degmada Baraawe, oo ay si buuxdo uga arrimiso Al Shabaab.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Kooxdu halkaasi ku disho Haween iyo dhalinyaro lagu eedeeyay falal ceynkaani ah, balse waxa uu kusoo beegmayaa xili ay halkaasi ka jiraan Cabsiyo laga muujinaayo inay ka dhacaan Dagaalo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed