Baraha Internet-ka ee bulshada wax isku dhaafsato oo Ruushku shuruuc adag ku soo rogay
Moscow 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Golaha sharci dejinta ee dalka Ruushka ayaa doodo iyo muranno la xiriira xadaynta iyo kontroolka baraha internetka ka yeeshay fadhiyo joogta ah, taasi oo ugu dambaynti u codooyay shuruuc badan oo qusaysaa internet-ka iyo baraha bulshada.
Sharci cusub oo la soo rogay ayaa ka dhaqan-galayo waddanka Ruushka kaasoo xadidaayo isticmaalayaasha baraha ay bulshada wax isku dhaafsadaan (Social Media) .
Tani waxay ka dhignaanaysaa in bogag tiradoodu badantahay ay iska diiwaan galiyaan xadeeyaha saxaafadda iyo inay waafaqaan shuruucda xukunta warbaahinta ee ka hawl-gasho guud ahaan waddanka Ruushka.
Shariikadaha internet-ka ayaa sidoo kale looga baahanyahay inay u hogaansamaan in dowladda Ruushka ay gali karaan amay baari karaan xogta ay rabaan.
Mid kamid ah u doodayaasha xuquuqda Aadanaha ayaa sharcigaan cusub ku tilmaanay “ mid xad dhaaf ah oo dhaafsiisan maangalnimada”.
Aqalka sare ee baarlamaanka waddanka Ruuskha ayaa sharicgan ansixiyay dhowr bilood kahor iyadoo laamaha fulinta ay sugayeeen ansixinta madaxda sare ee dalkaasi.
Waxyaabaha uu xadidaayo sharcigan cusub ee la dhaqan-galiyay waxaa kamid ah in adeegayaasha iyo adeegsadayaashuba aysan noqon kuwo magac la’aaan ah ama aanan haybtooda shaacsanayn (anonymous), iyo in baraha bulshada ay kaydiyaan oo hayaan xogta macaamiishooda ( isticmaalayaasha- users), iyo in server-ada xogta lagu kaydiyo uu saldhigoodu yahay meel kamid ah dhulka Ruushka.
“Internet-ku waa Jaziiradii ugu dambaysay ee xorriyada hadalka ee Ruushka taasi oo shuruucdaanna looga gol leeyahay in dowladdu ay xogta kantoroosho” sidaa waxaa yiri Hugh Williamson ka tirsan urur u ololeeya xuquuqda aadana ee fadhigoodu yahay Magaalada New York.
Mucaaradka waddanka Ruushka ayaa sidoo kale barta internetka u ahayd bu’da ugu wayn ee ra’yigoodu ku soo bandhigi jireen kuwaasi oo mararka qaar heli jiray dad malyuumaad kor u dhaafaya oo ku ku xiran bogagooda ay ku leeyihiin Facebook, Twitter iyo Google.
Horaantii sanadkaan ayay ahayd markii dowladda Ruushka ay meelmarisay sharci fasaxaya in dowladda ay block-garayn karto bar kaste oo internet taasi oo ay u aragto in meelo kale u janjeero, iyada oo aanan wax sharaxaad ah ka bixinaynin.
Moscow SDN/QJ
contact@qurbejoog.com